Thursday, 29 August 2019

Silsiladdii Halac-dheere


                         
                   

Silsiladdani waxay asal ahaan ka dhex aloosantay niman Reer Ogaadeen ah iyo kuwo Harti ah.  Gadaalse way baahday oo xilligaa raggii gabyi jiray kuwa ugu tugtug roon qaarkood ayaa soo galay. 

Nin la odhan jiray Halac-dheere oo ahaa
Ogaadeen, Reer Cabdille, Baha Magan, Reer Xandulle ayaa doonay gabadh Reer Suldaan ah oo uu dhalay Suldaan Keenadiid oo ahaa Majeerteen, Cismaan Maxamuud.

Halac-dheere wuxuu Qorraxey ka kaxaystay rag ehelkiisa ah, waxay safar sii ahaandaanba habayn dambe ayey usoo hoydeen Cali Sharmarke oo ay gabadhay usoo qasdeen xigto ahaayeen.

Sidii dhaqanka Soomaalidu ahaa Cali martidii wuu sooray.  Subixii markay kallahaad u hogbadeen ayaa ninkii la odhan jiray Halac-dheere & raggii la socday ayaa la siiyay gabdhii ay soo dooneen mudo dheerna waxay joogeen halkii lagu soo dhaweyay iyagga oo mar walbana wiilasha yar yar ku oran jiray biyo & cuno noo keena iyagga oo xilli walba heli jiray.

Cali Sharmarke ayaa la yaabay ragga wixii ay cunaan ma ahee waxa kale haamo ku ridanayay. Geedkii ayuu yimid oo yidhi “wadadu waa cabsiyee, ciidan ayaan idinku darayaaye fardaha ka dega, hantidaana qaata.”  Maadaamuu Cali Sharmaarke yahay oday degaankiisii marti lagu yahay kuma aanay gacan saydhin ee nimankii fardihii ayey ka degeen wixii xoolo & hanti degaanka yaalayna waa aruursadeen.

Cali Sharmarke ayaa ka yaabay. Maalintii dambe Xilli qadadii ku aadan ayaa nimankii waxaa loo keenay sooryo qiimo badan.  Sidii ayey sameeyn oo haamo ayey ku riteen.

Cali Sharmaarke, Majeerteen, Cismaan Maxamuud ayaa raggii uu la yaabay u tiriyay tixdaan yar;

Gobonimo inay hodan tahay, oo horay naloo siiyey
Hanti tiisa isagoon wadanoon, tolkii iga horaynin
Halac Dheere ninkii sanado, hayn jiraan ahaye

Waxaana u soo jawaabay Qamaan Bulxan Yuusuf (Ogaadeen, Absame)

Halkaad Cali Sharmaarkow na tidhi, waa huf iyo beene
Waana hiijo godobeed raggaad, naga hafraysaaye
Haaraanka iyo faanku waa, haayir kala dheere
 Harti waxaan ku nacay dheef yar buu, hilin dhan moodaaye
Waxbaan heli karaa baad na tidhi, waadna hibataane
Gobonimo hadday hodan tahay, oo horay laguu siiyey
Hah maxaad u tidhi wiil marti ah, hilib intaad siisay?

Wuxuu Qamaan gabaygiisa ku xusay magaca Harti.  Cali-dhuux Aadan, Dhulbahante, Harti oo ragga tolkaa ee gabya ka mid ahaa ayaa soo galay.  Wuxuu yiri:

Hagagaba aan daynee Qamaan, hor Alla ruuxaaga
Halac oo hir dheer la eg hadduu, hogob kasoo muuqdo
Idinkoo la hayb ahiba waad, wada habaartaane
 Harti maxaad ku geli Eebbahay, horror hadduu keenay

Wuxuu ku dooday in Qamaan qoyskiisu ka naxo aragtida Halac-dheere, habaarna ay waliba ka horgeeyaan heeladkaba markuu soo maro.  Maxaad nagu eedaa haddii nin aan waxba hanbaynayn.


Gabyagii weynaa ee Gooni Cabdi Xaaji (Majeerteen, Cismaan Maxamuud ayaa markii uu arkay halka xaalka marayo isla markaana ogaa Halac-dheere iyo raggiisii inay wax walba oo Hobyo yaalay qaateen waxa uu yiri, Sayidkii iyo raggii la qabiilka ahaana faan & been soo tiriyeen ayuu yiri.


Qolqoladda haddii ay martidu, qab iska soo siiso
Qoladiina Reer Faarax yaan, qadow ka foofayne
Qabey caano geel lagu lisiyo, qado ma haysaane
Ma dad baydun qali xoolo, waad ka qatanaydeene


Markii uu gabaygaa gaaray dhulkii Ogaadeen ayaa waxaa ka soo jawaabay
Faarax Caytame, Ogaadeen, Absame isaga oo tixdaan aanu ka helay, wuxuuna yiri;


Afartaa higaadshaye miyaan kala haboowsiiyay
H'da ma ugu dhigay sheekh sidii hagabsi waa ceebe
Ma hawadiyay waayahakan waa igu higaag-naaye
Sida Gooni haar lama jafee hilin cad ma ujeexay

Halna waxaan ka idhi dhalashaduu hanane ceeb faanay
Hiraab iyo hawiye iyo intii hilib islaameed ah

Habow kama tegana wiil intuu ka odhan geede
Hiddo xumo Bah-yacquub nin ogi hayb ma faaqido'e.

Ka dib Sil-siladii waxaa soo galay Sayid Maxamed Cabdille Xasan, Ogaadeen, Absame wuxuuna yiri;


Haddeer iyo haddeer gool qallaa ama, halabba keenaaba
Haamaan idiin shubi lahaa, halab karuurkeede
Haleelooyinkaa idinku filan, hoota-nuugta ahe
Hareerihiina waan dhigi waxaad, ku himbilyootaane
Intaad higis dhan soo qaadataan, Halacna soo raacsha

Inta ka dib ayaa waxaa gabayga ku soo biiray Ismaaciil Mirre, Dhulbahante, Harti wuxuuna yiri;

Inkastood Xarago Heybadeed ula habeen roorto
Inkastoo Hilbiyo Caano Geel laga hiraabsiiyo
Waa niman haddii loo hagrado hodanka ceeydheyne
Waa wada hangool jiidan oon halina deeqeyne
Hal haduu ku hadho xeradeey daba humbaaleeyne
Hadhuub-galka caadkaa ku naban waw hundhudhayaane
Hiinhiinsiga iyo feenka haanta murudkeeda
Heemaarka iyo weelka oo dhan gacan ku heyntiisa
Mar hadeeyna huraheyn habluhu way ka haajiriye
Ka hagaaje naaguhu waxeey howl ku galeyeene
Hungo waxa wax ku dhici waa guskii Hogorka weynaaye

---------------------------------------------------------------

Ka dib waxaa soo jawaabay Qaman Bulxan Yuusuf, Ogaadeen, Absame wuxuuna yiri;

Halmaan ina Sharmaarkuu ka yimid laguna hiifaaye
Heelada dhexdeediyo guryaha lagaga haasoowye

Waxaan heli waxaan haaban karo haatan waxaan heysto
Hiyageygu wuxuu doonayaa inuu hibeeyaaye
naa ma adaa Harti ah soorta maad hadal la'aan keentid?



Silsiladii Halac Dheere waxa aan hadda ka hayno waa intaa.